Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee sanadka jirsaday uu muujiyay guullo muhiim ah oo laga gaaray kuwaas oo hadda muuqda.

Waxa uu sheegay in saddex dhinac laga duullay kuwaas oo kala ah: 1-Dagaalka Tooska ah ee Militariga ah oo meelo badan gacanta lagu dhigay, 2-Dhinaca Maaliyadda oo lagu xayiray Koontooyin badan oo il dhaqaale u ah ‘AS’ iyo 3-Dhanka Fikirka oo baraarujin badan laga sameeyay waa sida uu hadalka u dhigay.

Advertisement

Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay sidoo kale dagaal toos ah la gashay Dadka sida dadban iyo sida tooska ah ula shaqeeya ‘AS’ si looga hortago weerarrada & qaraxyada.

“Sanad ayaa kasoo wareegay dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta, Dowladda Soomaaliyeed waxa ay go’aansatay in dagaal dhammeystiran oo meelo kala duwan galaya oo aanay meelna laga soo laabaneyn la gasho, inta uu socday wax badan waa laga bartay wax badan oo guulana ahna waa lagu gaaray, waxyaabaha uu dagaalka keenay waxaa kamid ah in la taabto xididadii Khawaariijta oo mid kasta godkiisa loogu galo, Ilaahey idinkiis waxa aan rajeyneynaa in guullahaas soo socda dhammeystirmaan sanadka soo socda” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS.

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ayaa dhanka kale sheegay in Dowladda Soomaaliya muujisay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ maadaama dhul badan gacanta ku dhigtay.

Previous articleWararkii ugu dambeeyay ee Shirka dib u heshiisiinta Beelihii ku dagaalamay Sh/Dhexe oo socda
Next articleDowladda Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogtay Madaxii Maaliyadda Daacishta Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here