Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Weerar ku bilaawday Qaraxyo ayaa lagu qaaday xero lagu tababaro ciidamada dib u xorreynta oo ku taalla degmadaasi Baardheere.

Ilaa laba Gaari oo la sheegay in laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray Xerada, waxana sidoo kale la sheegay in rag  hubeysan ay ka dehx dagaalamayaan gudaha Xerada.

Advertisement

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka, waxaana goobta gaaray ciidamo farabadan oo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid, kuwaas oo la dagaalamaya Al-Shabaab.

Xerada qaraxyada lagu weeraray ayaa waxaa dhowr Bilood ka hor tababar uga furay Ciidamo ka qeyb qaadan doona howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab mas’uuliyiin uu kamid yahay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka magaalada Baardheere ayaa xaqiijiyay weerarka, waxaana ay sheegeen in saacadaha soo socda faah faahin doonaan, waxaana weli xerada Baardheere laga maqlayaa rasaas xoogan.

Previous articleDEG DEG: Weerar Qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday xero Ciidan ku taalla Baardheere
Next articleXafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa sheegay in khasnada dowladda laga waayay lacag gaaraysa 21 Milyan oo dollar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here