Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal markale Ciidamada daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Girileey ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay xalay weerareen degaanka Girileey oo gelinkii hore ee shalay ay la wareegeen Al-Shabaab oo weerar xooganaa ku qaaday.

Advertisement

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Ciidamada daraawiishta Jubbaland ay u suurto gashay inay dib ula wareegaan degaanka, isla markaana uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka.

Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa dhankooda Warbaahinta u sheegay in ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen weerarkii ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, haatana ay gacanta ku hayaan degaanka Girileey kana wadaan howlgallo xoogan oo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay sii socon doonaan howlgallada si ay uga hortagaan weerarada ay Al-Shabaab kusoo qaadaan degaanka Girileey oo muhiim u ah isku socodka Gobolada, Gedo iyo Jubbooyinka.

Dhawaan ciidamada Kenya oo kamid ah howlgalka ATMIS ayaa ka guuray degaanka Girileey, iyaga oo ku wareejiyay Ciidamada Jubbaland, hayeeshee tiro laba jeer ah ay weerareen Al-Shabaab.

Previous articleCiidamo la kala dhex-dhigay Maleeshiyo Beeleedyo ku dagaalamay Shabeellaha Dhexe
Next articleCumar C/Rashiid iyo Cabduweli Gaas oo Mareykanka Kala hadlay muranka ka taagan doorashooyinka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here