NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo caasimada Dalka Kenya ee  Nairobi ayaa sheegaya inuu hoos u dhacay Qiimaha sarifka dollarka marka lagu badalaayo lacagga Kenya.

Advertisement

Waxaa dib u soo kabanaya qiimaha shilinka Kenya oo wareer geliyay dadka Kenya ku dhaqan oo Soomaalidu ka mid tahay.

Xaafada Islii ee Soomaalida ayuu saameyn xooggan ku yeeshay markii uu kor u kacay qiimaha sarifka doolarka.

Cumar Ibraahim Xuseen oo ka mid ah mas’uulyiinta ganacsatada Soomaalida ee Kenya ayaa u sheegay Idaacada VOA-da laanteeda afka Somaliga inay xaaladu hada soo hagaageyso madaama mar uu gaaray 100-ka doolar in lagu sarifto 16-kun shilinka Kenya iyo wax la jira halka maanta lagu sarifayo boqolkii doolar 13 kun.

“Ilaa sedex kun ayaa hoos uga dhacday lacagtii 16-la kun ahayd ee boqolka doolar lagu sarifi jirey”ayuu yiri Ganacade Cumar Ibraahim Xuseen .

Soomaalida Kenya is badalka sarifka wuxuu saameyn ku yeeshay  raashinka iyo qeybah kale sida Kirada guryaha oo wax kasta lacag lagu daray bale hada waxaa la rajeynayaa inay xaaladu halkeedii ku soo laabato.

Ganacade Cumar Ibraahim Xuseen mar uu ka hadlaayay sababti doolarka ku keenay inuu kor u kaco ayuu sheegay inay ahayd Doolar badan oo Dowlada Kenya ay suuqyada soo gelisay.

“Sidaad ka war heysaan Dowlada Kenya ayaa demand bangiga adduunku ku lahaa iska nadiifisay kadibna mid cusub ilaa 2 bilyan ayay soo qaateen kadibna dalka soo geliyeen ,taasaa keentay wareerka sarifka ku yimid”ayuu yiri Ganacade Cumar Ibraahim Xuseen

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha oo u dhoofay Adis-ababa
Next articleNin hubeysan oo yuhuud ku laayay koonfurta Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here