Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka fikirayo xil ka qaadis uu ku sameeyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Waxaa muddooyinkii dambe sii yaraatay kalsoonida madaxweyne Xasan Sheekh uu ku qabo guddoomiye Yuusuf Madaale oo isagu ka tirsan xisbigiisa UPD, sida laga soo xigtay illo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Advertisement

Arrintaan ayaa la sheegay inay keentay in madaxweynaha uu bilaabo raadinta qofkii lagu beddeli lahaa Yuusuf Madaale, oo sidoo kale uu weli khilaaf kala dhaxeeyo ku-xigeennadiisa maamulka gobolka.

Khilaafka Madaale iyo Ku-xigeennadiisa ayaa si weyn usoo shaac baxay kadib markii awooddii guddoomiye ku-xigeennada gobolka uu la wareegay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maxamed Diiriye, oo isagu si gaar ah ugu dhow guddoomiye Madaale.

Waxaa durba soo baxaya shaqsiyaad u sharaxan oo xafiiska madaxweynaha uu xiriir la sameeyay iyo kuwo xusul duub ugu jira sidii ay u heli lahaayeen xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa jirra shaqsiyaad kamid ah xisbiga madaxweynaha iyo taageerayaashiisa oo xusul duub ugu jira xilkaasi, iyo weliba kuwa kale iskood u raadinaya, maadaama xilkaasj uu yahay jago si weyn loogu xisaabtamo iyo awood qeybsi inta badan ay ku loolamaan beelaha uu kasoo jeedo madaxweynaha.

Xil ka qaadista Guddoomiye Madaale ayaa la filayaa in ay waqti qaadato, inta laga helayo qof madaxweynuhu ku kalsoon yahay. Waxaa la xasuusta in madaxweyne Xasan ay muddo afar bilood ah ku qaadatay inuu xilka ka qaado guddoomiyihii hore ee gobolka Cumar Filish, soona magacaabo Yuusuf Madaale.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa haddii ay dhacdo xil ka qaadistiisa, waxa uu noqon doonaa qofkii labaad ee muhiim ah oo xilka laga qaado sanad gudihiisa, iyada oo dhawaan xilkii laga qaaday Wasiirkii Maaliyadda oo kamid ahaa xubnaha xisbiga madaxweynaha ee UPD.

 

Previous articleCiidamada dowladda oo howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here