War-saxaafadeed

Muqdishu, February 13, 2024-Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Advertisement

Hawada dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; “MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR).”

Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid kamid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee “Class-A Airspace.”

—Dhammaad-

Previous articleCiidamada haramcad oo howlgalo ka fuliyay Gobolka Sh.Hoose
Next articleWafdiga Dowlada Somalia ka socda maxay Adis-ababa ka dooneen?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here