Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xekuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay kulanka ansixinta warbixin sannadeedka waxqabadka Qorshaha 9aad ee Horumarinta Qaranka ee sannadkii 2023.

Kulankaan waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha ku midaysan tiirarka Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka sida Tiirka Siyaasadda loo dhanyahay, Tiirka Amniga iyo Sarayntata Sharciga, Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha,, iyo Tiirka Arrimaha Bulshada.

Advertisement

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay guulaha, caqabadaha ee QHQ 9-aad ee sanadkii 2023-ka.

Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta, Mudane Maxamuud Siciid Nuur ayaa gabagabada kulanka uga mahadceliyay ka soo qeybgalayaasha, isagoona kula dardaarmay in warbxinta tan xigta ay noqoto mid ka wanaagsan oo ka waxtar badan tan sannadkan.

Ugu danbayntii. Warbixin sannadkeedka Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka ayaa la daahfuri doonaa todobaadka soo socda.

Previous articleTHE BEST WASHING MACHINES IN 2024
Next articleShirka amniga goobihii laga saaray Alshabaab oo lagu qabtay Kismaayo+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here