Madaxwayne ku-xigeenka 1aad ee dowladda Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfuray shir looga hadlayay xasilinta iyo nabad galyada deegaannada laga xoreeyey khawaariijta.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Arrimaha Gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa diirada lagu saraya tageerada dadka ku nool goobaha laga xoreeyay cadowga iyo sidii ay u heli lahayeen kaalmo degdeg ah.

Advertisement

Shirkan waxaa ka qeybgalay madax kala duwan oo kasocotay Dowlada Federaalka ah xubno matalayay beesha Caalamka iyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya tageerada dhinaca bini’aadantinimada.

 

Xigasho warbaahinta maamulka jubaland

Previous articleWasaarada qorsheynta oo qabatay kulan muhiim u ah wax qabadka+Sawirro
Next articleAaska Meydka Luul C/casiis oo Saaka Muqdisha ka socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here