Muqdisho, Febraayo,3-2024: Kalfadhiga 4aad kulankiisa 14aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa maanta oo Sabti ah waxaa shir guddoominayay
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa.
1) Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga Ah.

Advertisement

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhriyay Hindise -Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga Ah si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka, iyagoo Su.aallo kaweydiiyay wasiirka Hindise -Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga Ah.

Wasiirka ayaa mid mid ugu jawaabay dhamaan weydiimaha Xildhibaanada.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Guddiga Kushaqada lah si ay Akhrinta 2aad ay ku soo biiriyaan talo soo jeedinta iyo turxaan bixinta Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS.

Intaasi kadib Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa tacsi tiiraanyo lah udiray Dhamaan Shacabka Soomaliyeed gaar ahaan ehelka ay kabaxday Allah unaxariistee Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed asigoona sheegay in laamaha Amniga looga fadhiyo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gacanta ugu soo dhigaan gacan ku dhiigalaha falkaas arxan-darada ah geestay.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa si adag ugu dooday dilka uu Ninkeeda ugeestay iyada oo noolna dab qabadsiiyay Marxuum Luul Cabdicasiis Maxamed oo u shaqayn jirtay 6 carruur oo agoon ah iyadoo xaamila ah.Xildhibaanada oo doodoodii siiwatay ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay inaan wali la soo qaban eedeysanaha, waxa ayna Hay’adaha amniga, Iyo garsoorka ay fareen in ay xil wayn iska saaraan gacantana lagu soo dhigo eedeysanahaas.

Ugudanbeyntii Guddoomiyaha oo soo xiray kulanka maanta ayaa faray guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu howlgalaan dhacdadaan ayna u yeeraan laamaha amiga iyo garsoorka warbixin dag dag ahna ay ku sooceliyaan fadhiga Golaha.

DHAMMAAD

Previous articleGudoomiye Adan Madoobe oo ku amray Taliyayaasha ugu sareeya in la soo qabto ninka xaaskiisa gubay+Sawirro
Next articleTaliye Macalin Mahdi ” Gacan ku dhiiglaha iyo intii garab siisayba waan soo qabaneyna nagu kalsoonaada”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here