Jowhar (dayniiile.com)-Wasiir ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa si adag weerar afka ah ugu qaaday Hay’adda maareynta masiibooyinka SoDMA ee hoos tagta Dowlada Soomaaliya.
Maxamed yuusuf Colow Wasiir ku xigeenka Warshadaha Maamulka Hirshabelle ayaa ugu horeyn sheegay in dadkii ka soo barakacay roobabka iyo fatahaada deegaanada Hirshabelle ama ku go’doonsan ay qarka u saaran yihiin gaajo iyo macaluul.
Madaxda sare ee Dowlada ayuu ka codsaday inay ku amraan Hay’adda maareynta Masiibooyinka  u gurmashada dadka reer Hirshabelle.
Wasiir ku xigeen wuxuu ku eedeeyay Hay’adda inay dad gaajeysan u geeyeen timir.
“Naga daaya gacan bidixeynta Alle ka cabsada lama joogo xili la is gacan bidixeeyo”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka warshadaha Hirshabelle.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleAl-Shabaab maxay ka yiraahdeen Weerarkii Qaraxyada ee ka dhacay deegaanka Ceelaha biyaha.
Next articleMidowga Yurub oo soo bad baadiyay Dooni lagu afduubtay xeebaha Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here