Nairobi (dayniiile.com)-Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Kenyaย  Prof. Kithure Kindik ayaa si kulul uga hadlay dhacdo shalay ay ku dhibteen 5 ardey oo fasalka lixaad dhigeyneyay iyo 4 nin oo xoogsato ah.
Caruurta oo nasasho iyo dalxiis loo kaxeeyay ayaa doon la saaray kadibna doontii ayaa qalibantay xili ay biyaha dhex socotay sidaas ayayna 5 ardey oo caruur ahaa ku geeriyoodeen.
Sidoo kale 4 nin oo xoogsato ah ayaa iyaguna ku geeriyoodeen god-ka laga soo saaro carada guryaha lagu dhiso kadib markuu ku dumay
Wasiirka ayaa saxaafada u sheegay inaan la iskaga hareyn oo lagu xisaabtami doono dayacaada dadka shacabka ah.
“Dowladu ma aqbaleyso,waxaana la weydiin doonaa su’aalo kuwa leh doonta caruurta la godoontay iyo kuwa leh goobaha carada laga soo qodo”ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Kenyaย  Prof. Kithure Kindik
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleDalladda Qurbajoogta Ururrada GalMudug ee Yurub (GEDAN) oo dooratay Guddoomiye & ku-xigeen
Next articleRa’iisulwasaaraha oo Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here