Dalladda Qurbajoogta Ururrada GalMudug ee Yurub, ee magaceeda loo soo gaabiyo GEDAN oo ay ku middeysan yihiin ururro ka dhisan waddamada Yurub ayaa caawa (29-10-2023) Magaalada Kemer-Antalya ee dalka Turkiga ku doortay Guddoomiye cusub oo ay dalladaasi yeelan doonto 4-ta sanno ee soo socota.

Xaflad aad loo soo qabanqaabiyay oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah wakiilada ururada ku middeysan GEDAN, laguna qabtay Hooteelka Rich Melissa, ayaa Guddoomiye cusub loogu doortay Xuseen Maxamed Axmed (Xuseen Khadhiib) oo fadhigiisu yahay Magaalada Amsterdam ee dalka Holland, halka Guddoomiye ku-xigeenna loo doortay Aadan Ibraahim.

Advertisement

Xubnaha kale ee la doortay waxaa ka mid ah Xoghaye & Xisaabiye, waxaana fadhigaasi kelmado ka jeediyay xubno ka tirsan Guddiga cusub ee la doortay, marti sharaf & Guddoomiyihii hore ee dalladda Faarax Aadan Yuusuf.

Faarax Aadan Yuusuf oo ahaa aasaasihii dalladda, ayaa khudbad qiimo badan oo uu kulankaasi ka jeediyay ku sharaxay marxaladihii ay soo martay GEDAN, isaga oo dhinaca kalena u hamablyeeyay Guddiga cusub, kuna booriyay in ay middeeyaan bulshada GalMudug ee ku dhaqan Yurub.

“Gedan oo ah dallad ay ku middeysan yihiin ururada fadhigeedu yahay Yurub ee reer Galmudug way 3 sanno jirsatay, waxaa ALLE mahadii ah inaan shaqo fara badan ka soo qabanay sidii loo middeyn lahaa xoogga, maskaxda & fikirka waxgaradka GalMudug ee Yurub, waan ku guuleysanay ilaa xad, waxaana caawa dalladii aan guddoomiye cusub ugu dooranay Xuseen Khadhiib oo aan ku kalsoonahay inuu dardargelin doono howlaha dalladda” Ayuu yiri Faarax isaga oo u mahadceliyay shaqsiyaad uu ku tilmaamay saaxiibada dalladda oo haddeeysan garab geli lahayn aysan meesha ay joogto soo gaari laheyn.

“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa dalladda PEDAN oo si milgo leh inoo garab istaagtay, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa C/fitaax Janna-gale, Xuseen Daahir Ibraahim, Maxamed Madar & C/risaaq Sheekh Adduun oo aan leeyahay Gedan abaalkiina ma iloobi doonto” Ayuu yiri Guddoomiyihii hore Faarax dheere.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda GalMudug Cali Ciid oo qadka taleefanka kaga qeybqaatay xaflada ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaha cusub Xuseen Khadhiib & guddigiisa fulinta, wuxuuna Xuseen ku tilmaamay shaqsi howlkar ah.

“Haddaad tihiin Gedan Dowladda GalMudug way idin garab taagan tahay, albaabkeeduna wuu idiin furan yahay. Waxa ugu yar ee la idinka sugayo waa in Magaalooyinka aad deggan tihiin & Magaalooyinka GalMudug aad mataaneysaan”Ayuu yiri Cali Ciid, isaga oo dhinaca kale xusay in deegaan kasta horumarkiisa in ay u kaceen dadka ka soo jeeda ee aqoonyahanka ah.

Barnaamijka waxaa xiriiriye ka ahaa Maxamed Cali oo ahaa Guddoomiyaha ururka African-European Development Agency, wuxuuna ku dhiirageliyay Guddiga cusub in ay horseed ka noqdaan intii karaankooda ah horumarka GalMudug.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qeybgalo shirkan lagu dooranayo guddiga cusub ee Gedan, waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha cusub inuu ILLAAHEEY kula garab galo, waa mas’uuliyad cusub” Ayuu yiri Maxamed Cali.

Guddoomiye ku-xigeenka dalladda Aadan Ibraahim Xaaji oo ka mid ah aqoonyahanadii aasaasay dalladda, wuxuu dhinaciisa sheegay in ay ka go’an tahay guddigoodu in ay middeeyaan maskax-maalka reer GalMudug ee ku dhaqan Yurub, kaddibna ay diirada saari doonaan horumarka deegaanada GalMudug.

“Ujeeddada loo aasaasay Gedan waxeey aheyd waxgarad u damqaday, kana damqaday sidii GalMudug dadkeedu u heli lahaayeen adeegyada muhiimka u ah nolosha bini’aadamka oo ay ugu horreeyaan caafimaadka, waxbarashada & in kor loo qaado wacyiga bulshada. Gedan waxeey xoogga saari doonti meel kasta oo ay tabari dhigto horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha” Ayuu yiri Aadan Ibraahim, isaga oo u mahadceliyay Guddoomiyihii hore Faarax Yuusuf oo uu ku tilmaamay shaqsi naftiisa u huray Dalladda GEDAN.

Xisaabiyihii hore ee Gedan Xassan Liisho oo mar kale xilkaasi loo doortay, kana mid ahaa aasaasayaashii Gedan, ayaa ku nuuxnuuxsaday in la joogo xilligii GalMudug dadkeedu ay gacmaha is qabsan lahaayeen.

Qoraa sare C/casiis Cali Ibraahim (C/casiis Xildhibaan), oo ahaa afhayeenkii Wasaaradda Amniga Xukuumadii RW Xassan Cali Kheyre ayaa abaabulka & isku-dubaridka kulankan qeyb weyn ku lahaa, isaga oo ku dhiirageliyay Guddiga cusub in bog cusub u furaan horumarinta deegaanada GalMudug, iyada oo laga tisqaadayo in la maalgeliyo maskaxda dhalinyarada.

“Dhalinyaradu waa laf dhabarta horumarka. Soomaaliya in ka badan 70% waa dhalinyaro, wacyigelin ayeey u baahan yihiin dhalinyaradu, dalkeenu waa barwaaqo” Ayuu yiri C/casiis Xildhibaan oo sidoo kale u mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Gedan Faarax, sidoo kalena u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub & ku-xigeenkiisa Xuseen Khadiib & Aadan Ibraahim.

 

Previous articleDAAWO VIDEO: Danjire Tarsan oo Nairobi kaga qeybgalay kulan lagu taageeraayay Dagaalka Dowladu kula jirto Alshabaab+Sawirro
Next articleWasiir Kenyan ah oo sheegay inaan la isaga hareyn geerida 5 Ardey oo Caruur ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here