Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga fulinta Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta.
Labada wasiir ayaa ka wada hadalay xoojinta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada jihaynta dhallinyarada, is-dhexgalka Ciyaaraha, iyo kala faa’iidaysiga khibradaha maamulka Isboortiga iyadoo dalka Masar uu ka mid yahay wadamada xagga Afrika ugu horreeye dhinaca Ciyaaraha.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiir Dr Ashraf Subxi ayaa sidoo kale isla soo qaaday martigelinta xulka qaranka Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya isreeb-reebka koobka adduunka ee qaaradda Afrika iyo sidii xulka qarankeennu Hoyad( Home) ugu noqon lahayd dalka masar inta ciyaaruhu socdaan maadaama tashiilaad badan oo xulalka qaaraddu u baahanyihiin weli dalkeenna u dhimmantahay.
Labada wasiir ayaa isla gartay in wixii farsamo ah loo daayo xiriirrada labada dhinac ee Soomaaliya iyo Masar waxaana Wafdiga wasiirka ka mid ahaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Cali Cabdi Maxamed ( Cali Shiino) oo dhiggiisa Masar kala sii xaajoon doona sidii farsamo ahaan ay dowladda Masar nooga taageeri lahayd kobcinta maamulka iyo farsamada ciyaaraha.
Dhinaca kale Wasiir Maxamed Barre iyo wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo Eng Fahad Cali Xasan oo ah la-taliyaha wasiirka ayaa ka qaybgalay furitaanka tuulada ciyaaraha Masar oo ah goobo ay ku dhanyihiin noocyada kala duwan ee garoomada iyo goobaha lagu ciyaaro.
Ugu danbayn Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa u mahadceliyay danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo Diblumaasiyiinta kale ee safaaraddeena Qaahira oo shaqo qurux badan la qabtay Wasiirka iyo wafdigiisa.
XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADDA
May be an image of 6 people, suit, newsroom and the Oval OfficeMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people and the Oval OfficeMay be an image of 8 peopleMay be an image of 6 people and dais
Previous articleWasiirka shaqada Somalia oo Qaahira kaga qeybgalay Shir ku saabsan horumarinta Shaqada hufan (Decent Work).+Sawirro
Next articleCiidamada Dowlada iyo kuwa Atmis ah oo ugu danbey Alshabaab ka saaray juqda deegaanka Cali-fooldheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here