Kampala (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Magaalada Campala ee Xarunta Dalka Uganda ayaa sheegaya in meydka Wiil Soomaali ah laga helay qol ka mida guri uu halkaasi ka deganaa..

Soomaalida ku dhaqan halkaasi oo asxaabtiisa ah ayaa sheegeen in marxuumka lagu magacaabo Maxamed C/qani islamarkaana uu ka mid ahaa dhalinyarad Soomaalida ee dalkaasi ku sugnaa.

Advertisement

Marxuumka ayay sheegeen in maalmahaan danbe uusan kaba soo baxeyn guriga kuna yaraaday la kulanka asxaabtiisa.

Meydka Marxuumka ayaa la helay isagoo dhinsan hal asbuuc islamarkaana uu isbadalay jirkiisa lagana waayay wax dheecaan ah.

Sidoo kale waxay sheeegeen in baaritaanka Dowlada kadib ay ku guuleysteen inay aasaan marxuumka.

Lama sheegin asbaabta keentay geeridiisa balse waxaa la filayaa in baaritaanada lagu ogaan karo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan oo gaaray Dalka Belgium
Next articleWasiirka Ganacsiga Somaliland “hala ogaado Itoobiya ma rabto Dekad ay maalgashato ee waa dhul doon”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here