Boorame (dayniiile.com)-Wasiirka Ganacsiga Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay war dhawaan uu baarlamaanka Dalkiisa ka jeediyay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abi Azmed.

Abi Axmed wuxuu baarlamaankiisa ka sheegay inay doonayaan inay maal gashtaan dekada dalalka dariska la ah.

Advertisement

“ogaada Itiobiya ma rabto dekad ay maalgashato ee waxay rabtaa dhul la siiyo dee dhulna la isma siiyo”ayuu yiri Wasiirla Gancsiga Somaliland Maxamuud Xasan oo ka hadlaayay kulan ka dhacay Magaalada Boorame

Wuxuu si cad u sheegay in Itoobiya Rabin dekad ay maal gashato balse ay rabto dhul la siiyo gaar ahaan Saylac  kadibna ay iyagu dekad ka sameystaan.

Hadalka  Abiy Axmed ayaa hadal heyn badan ka dhaliyay warbaahinta iyadoo xitaa Dowlada Soomaaliya ka hadashay lana cadeeyay in damaca itoobiya uusan shaqeyneyn.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMeydka wiil Somali ah oo laga helay guri uu ka deganaa Magaalada Kampala.
Next articleCali Guud-laawe oo magacaabay Wasiiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here