Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Faderaalka Maxamed Sh Doodishe oo kamid ah wasiirada la kooxda ah Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa tan iyo imaanshihiisa wasaaraddan, waxaan ogaanay in uu mushahaar kale duwan u qoray In ka badan 8 xubnood oo qoyskiisa, ayna ku jiraan walaalihiis la dhashay.

1- Cabdifitaah Firin: waxaa dhalay Abtiga wasiirka, wuxuuna ku mushahaar qaataa Xogheynta wasiirka.
2- Raxma Farascade: walaasha wasiirka oo ay isku hooya yihiin, waa mushahaar iyadoo aan joogin Soomaaliya.
3- Samatar Shiiraar: wasiirka ayaa Abti u ah, wuxuu ku mushaar-qaataa kuna magacaaban yahay Lataliye, isagoo kusugan Nairobi oo mushaar qaate ku yahay inta badan.
4- Cabdimajiid Xassan Galeyr, waa ilmo habreedka wasiirka, wuxuu kumushahaar qaataa gacanyaraha wasiirka, kuna sugan Muqdisho.
5- Xasan Cali Firin, waa Abtiga wasiirka, wuxuu ku mushahaar qaataa Darawalnimo.
6- Cumar Jabiiba, waa wasiirka abtigiis, wuxuu ku mushahaar qaataa taliyaha ciidanka gaarka ah ee wasiirka.
7- Warsame Maxamed Xassan, waa ina adeerka wasiirka, wuxuu ku mushaar qaataa Agaasime waaxeed wasaaradda Amniga gudaha.
8- Cabdifitaax Maxali Sheikh Xaashi, wasiirka ayaa u ah adeer, waxaana mushahaari looga qoray oo la geeyey Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha dawladda Faderaalka.

Advertisement

Sikastaba ha ahaate  waxa dabagal lagu  haaya Lataliyayaal iyo xubno kale oo looga mushaar-qoray goobo kale duwan oo Hay’addaha dawladda ah, oo aan xogtooda dabagal iyo hubin ku hayno.

Previous articleMaxkamadda G/Banaadir oo la horkeenay Mas’uuliyiin ku eedeysan musuq maasuq
Next articleFaah-faahin laga helayo khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Xero lagu tababaro Ciidanka Dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here