Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe ayaa sheegay in 7dii bil lasoo dhaafay la diyaariyay 15 kun oo askari oo loo qalabeeyay sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.
Wasiir Doodishe ayaa tilmaamay in dad badan ay is weydiinayaan sababta loogu dhaqaaqi la’ yahay howlgalka wajiga labaad ee Dowladda Federaalka horay u iclaamisay balse waxa uu arrintaas uga jawaabay in lagu howlanaa diyaarinta ciidankaan.
Amniga Muqdisho ayuu sheegay in isbaddel weyn oo muuqda uu ka jiro, ciidamadii doorkaas qaatay ayuu xusay in loo diray furimaha hore ee dagaalka si ay qayb uga noqdaan ciidamada Dowladda Federaalka ee howlgallada sameynaya.
“In ka badan 80 Deegaan ayaa laga xorreeyay nimankaan Khawaariijta ah, 7dii Bilood lasoo dhaafay waxaa lagu jiray diyaargarow, Dadku waxa ay inta badan is weydiinayaan maxaa is daajiyay dagaalka, 7daas bilood waxaa lagu diyaariyay oo lagu tababaray laguna qalabeeyay Ciidamo gaaraya 15 kun” ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS.
Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe, Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ayaa dhanka kale shaaciyay in Dowladdu ay ka go’an tahay ka gungaarista dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ ee wajigiisa 1aad idlaaday halka la abaabulayo qaybtiisa 2aad.