Abshir Cumar Jaamac Wasiirka arimaha dibada Somalia ayaa ka qeybgalay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Ururka Islaamka OIC kaasoo lagu qabtay Dalka Sacuudiga.

Wasiirka waxa ku wejhliyay shirkaan  ku xigeenka ergeyga joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Dalalka Islaamka.C/rixiim cusmaan Cilmi

Advertisement

Dalalka Islaamka waxay si kulul u  Cambaareyeen weerarkii yuuuuda ku xasuuqday shacabka falastiin,gaar ahaan tacadigii ka dhacay Isbitaalka Al-Ahli ee Gaza ku yaal.

Wasiirada arimaha dibada Carabta waxay muujiyeen jawi dareen ku aadan caruurta iyo dumarka falastiin ee sida arxan darada loola dhaqmay,iyagoona fal danbiyeed ku tilmaamay talaabada wuxuushnimada ah ee Yuhuudu ku dhaqaaqday.

Wasiir Abshir oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka Islaamka ayaa ugu uoreyn u mahadceliyay wasaarada arimaha dibada Sacuudiga oo soo abaabushay kulankaan sidoo kale madaxda iyo guud ahaan Ururka Islaamka ayuu u mahadceliyay.

Wasiirka wuxuu khud-badiisa ku canbaareeyay gabood Falada Israa’iil u gaysatay shacabka reeer Falastiin.

“arimaha ka taagan Gaza iyo falalka naxariis darada ah ee Israa’iil kula dhaqantay shacabka Falastiin waa mid toos u bur burisay qawaaniinta iyo xeerarka caalamka”ayuu yiri wasiirka arimaha dihada

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGudoomiye Sh.Aadan Madobe iyo Lafta-gareen oo gaareen Magaalada Xudur
Next articleRa’iisulwasaare Xamze oo maanta qaabilay Safiirka cusub ee Dalka Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here