Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya oo u dabaaldegaya Sanad guurada 59-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Hambalyo ku aaddan Munaasabadda sanad guurada 59-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay Ciidanka badda Soomaaliyeed oo qeyb ka ah Ciidamada Xoogga dalka u diray Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.

Advertisement

“Waxaan Hambalyo leeyahay Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, Sanad guurada 59-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay 10-kii bishii Feberaayo sanadkii 1965-kii”

Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay kamid yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee Ciidamada Qaranka iyo guud dowladnimada Soomaaliya.

XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA

Previous articleMadaxweyne Xasan oo ka tacsiyeeyay Sarkaalka u dhashay Imaaraadka ee Caawa Muqdisho lagu dilay
Next articleFaahfaahino dheeraad ah oo laga helayo Saraakiisha lagu laayay xerada Gordan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here