Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta uga tacsiyeeyay geerida saraakiil dalkaasi u dhashay oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.

Advertisement

Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey magaalada Muqdisho ee u yimid in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Waxaan sida ugu adag u cambaaraynaynaa falkan foosha xun ee galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib udhiska ciidamadeena, anigoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan degdeg ah ay ku sameeyaan, waxaana balan qaadaynaa In talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo soo abaabushay falkaan guracan.

Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.”

Previous articleSarkaal sare oo u dhashay Imaaraadka oo Caawa Muqdisho lagu dilay
Next articleWasiirka Difaaca Somalia oo u hambalyeeyay ciidamada Badda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here