Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdinuur Daahir Fiidow oo ay wehliyaan Saraakil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen xarunta dhexe ee SoDMA, iyadoo halkaas uu ku soodhaweeyey Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

Kulan gaar ah oo ay wada qaateen Wasiir Dowlaha, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta iyo Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka ayaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa dedaallada gurmadka iyo garab istaagga dadka ay aafeeyeen fatahaadaha ku dhuftay qeyb ka mid ah gobollada dalka, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho, hanti burbur iyo barakac.

Advertisement

Guddoomiye Maxamuud ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska XDS iyo dhammaan ciidamada qalabka sida uga mahad celiyay sida ay ugu gurmadadeen dadka fatahaaduhu wax-yeelleeyeen, isagoo ku baaqay in aan loo kala harin howlaha naf-badbaadinta ah ee socda.

=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=

Previous articleLafta-gareen oo la kulamay Xildhibaanada faderaalka ee deegaanadaas ka soo jeeda+SAWIRRO
Next articleDowladda Soomaaliya oo mamnuucday is ticmaalka Khamaarka ah 1XBET

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here