Ma xuma in laga saaro dadka deggan guryaha aysan laheyn. BALSE sharciyan, waxey aheyd haddii Dowladda Talyaanigu dhulkaasi u baahato in ay la xiriirto Wasaaradda Arrimaha Dibedda; Maxaa dhex keenay meesha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir .?

Advertisement

Madaxweynaha & R/wasaaruhu inta badan waxey ku celceliyaan in ay la dagaalayaan musuqmaasuqa & boobka hantida Qaranka, haddana hadalkoodu wuxuu u muuqdaa; “Geel caloosha laga raray, oo tuurta laga caynshay”

Waxaa jira hab-dhaqan soo jireen ah oo Soomaalida looga bartay kaas oo ah, in aysan jirin bulsho damiirkeedu gaarsiisan yahay in ay ka dhiidhiyaan ama isku aragti ka noqdaan dulmiga & ku-takri-falka awoodda Dowliga ah; Haddii berri la arko dhismahaasi oo laga taagay dabaq ay shaqsiyaad leeyihiin, waxaa dhici karta in halkeeda lagaga dhaqaaqo oo aan waxba la iska weydiin. Horay ayeeyna marar badan u dhacday, xilliyo kala duwan.

Waxaa meesha ka maqan kaalintii saxaafadda, waayo saxaafadu waa codka bulshada, macalinka bulshada, tan bulshada u bidhaamisa dul-duleelada & waaqiciga jira, tan bulshada u soo bandhigta waxa ka dahsoon. KAALINTAAS ma muuqato.

Inta la helayo bulsho damiirkeedu nool-yahay, ayna hormuud u yihiin waxgarad garaadkoodu bislaaday, oo og waxa ay xaqa u leeyihiin & halka ay tiigsanayaan waxaan marqaati ka noqoneynaa in qolo kasta ee timaada in ay Dowladnimadii u isticmaasho in ay danaheeda gaarka ah ku fushato.

Cabdishakuur Cilmi Xassan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here