MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wiil da’yar ayaa xalay lagu dilay goob timaha lagu jarto oo ku taal degmada Karaan Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariisteee wiilka la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Baker C/qaadir Cali waxaana uu u dhintay Tooreey qaarka kore ee jirkiisa looga dhuftay dhowr mar.

Advertisement

Sida wararka aan ku helnay waxaa toorretda la dhacay mid kale oo isna ahaa wiil da’yar oo isna magaciisa lagu sheegay C/laahi Cunar kaasoo goobta ka baxdaday walina gacan laguma dhigin.

Sanadkaan cusub sidii loo galay waxaa soo badanaya dilalka aadka u foosha xun ee ay isu geysanayaan dhalinta da’da yar iyo sidoo kale kuwa ay isu geysanayaan dadka isku ehelka ah ee ama isu dhaxay ama isla dhashay ama is dhalayba.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleAabaha dhalay haweeneydii la gubay oo sheegay inay aasayaan meydka.
Next articleGantaal ay rideen xuutiyiinta oo sababay dhimashada shaqaale markab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here