Muqdisho, Jannaayo 11, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowyga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Madaxweynaha iyo Egeyga Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo tayeynta ciidamada.

Egeyga Midwoga Yurub ee geeska Afrika ee Soomaaliya Marwo Annette Weber waxay adkeysay mowqifkii Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyadoo xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida, gobonimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey tageerada Midowga Yurub ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so.
May be an image of 3 people, newsroom and the Oval OfficeMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 3 people, suit and indoors
Previous articleDAAWO:-Duqa Muqdisho oo ka hadlay banaan baxa
Next articleSomalida heysata dhalashada Dalka Swden oo ay soo wajahday sheeko naxdin leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here