STOCKHOLM (DAYNIIILE.COM)-Soomaalida heysata dhalashada Dalka Sweden ayaa waxaa soo wajahay sheeko naxdin leh oo aysan marna ka fileyn dal ay markii horaba u tageen nolal dhaanta tii ay ku haysteen dalkooda.

Maalmihii ugu danbeysay waxaa si digniino is daba jooga ay ka soo baxeen wasiirka Gaashaandhga Swden iyo Taliyaha Milatarga dalkaasi kaasoo dhamaan dadka reer Sweden ku socota.

Hadaba digniinta ayaa ah in dalkaasi uu ku soo wajahan yahay dagaal sidaas daraadeed loo baahan yahay in dhamaan dadka dalkaasi u dhashay u diyaar garoobaan dagaal ay ku difaacvanayaan madax banaanidooda.

Advertisement

Tuhun waxaa jira in Dowlada Ruushku soo werarto dalka Sweden taasoo keentay in Masuuliyiinta dalkaasi ee dhanka Dagaalka ugu qaabilsan iyaguna shacabka la wadaagaan waxa ku soo wajahan oo ah inay is difaacaan.

“waxaan ku wargelineynaa dadkeena in uu dagaal ka dhici karo Sweden” ayuu yiri Wasiirka difaaca madaniga ah Carl-Oskar Bohlin mar uu ka hadlaayay shirka difaaca

Hadalka wasiirka waxaa durba taageeray taliyaha guud ee militariga Gen Micael Byden kaasoo faray dhammaan dadka reer Sweden inay u diyaar garoobaan  suurtagalnimada dagaalka.

bbb

Kaahin Axmed oo ah Soomaali haysta dhalashada Sweden ayaa u sheegay BBC-da laanteeda afka somaliga in khudbadii ra’iisulwasaaraha ee arrinkaan la xiriirtay ay aad u taabatay dareenkiisa.

“ Raysalwasaaraha khudbaddiisa waxaa ku jirtay dhalashada dalkan Sweden micneheedu ma aha baasaboor lagu dhoofo, haddii aad haysato dhalashada Sweden u diyaar-garow inaad qori qaaddo oo aad difaacdo qayimka iyo madax-banaanida dalkan Sweden,” ayuu BBC u sheegay Kaahin Axmed

Talaabooyinka Soomaalida ka sii nixiyay waxaa ka mida hadal uu jeediyay wasiirka Wasiirka difaaca Sweden Carl-Oskar Bohlin kaasoo ahaa bulshada dhan loo fududeeyo  sidii ay ciidamada uga mid noqon lahaayeen.

Dagaalkaan ay Madaxdu hadal hayaan halka uu kaga imaanayo waxaa cadeeyay Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee Swedenkaasoo sheegay in waxa Ukrain ka dhacay ay sidoo kale ka dhici karaan gudaha Sweden.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Kaahin Axmed oo ka mid ah dadka u dhaq-dhaqaaqa Soomaalida Sweden oo BBC-da wereysi siiyay ayaa sheegay in dadka ay arrimahan digniinta ah ay aad u saameeyeen.

Previous articleMadaxweyne Xasan muxuu kala hadlay ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika+SAWIRRO
Next articleSAWIRRO: Dibad bax dareenka Soomaaliyeed lagu soo bandhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here