Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Muxumed Maxamed oo laga soo doorto Gobolka Geddo ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu dhintay Siyaasiga caanka ah ee C/rashiid Xasan Nuur (Janan) oo maanta la faafiyay in la dilay.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in C/rashiid Janan lagu waysan yahay Dalka Kenya gaar ahaan Nayroobi islamarkaana ay nolol ku ogaayeen markii ugu war danbeysay oo uu ku sugnaa Nairobi.

Advertisement
Xildhibaanka oo wareysi siiyay Universal TV ayaa sheegay inay ku war geliyeen Dowlada Kenya iyo Dowlada Soomaaliya si raadiniisa looga wada qeyb qaato.
Xildhibaan Muxumed oo mar la weydiiyay wararka sheegaya inuu geeriyooday C/rashiid Janan ayuu beeniyay isagoo ku adkeystay inay nolol ku ogaayeen iskamarkaana aysan jirin wax geeridiisa cadeynaya.

“C/rashiid Janan ma dhiman wuuna iman doona insha Allaah hadii tiisa gashana  dadkii kale ee dhintay ayuu la mid yahay,laakiin intaan ognahay nolol baan ku ognahay, waxaan rajeynayaa inuu dadkiisa iyo dalkiisana dib ugu soo laabto”ayuu yiri Xildhibaan Muxumed

Hay’adaha amaanka Kenya ayuu sheegay inay ku war geliyeen ayna rajeynayaan inay howshooda qabsadaan islamarkaana war sugan ka keeni doonaan arinta Siyaasiga C/rashiid Janan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleamar ka soo baxay Dowlada Somalia oo lagu xirey xarunta ugu weyn Hormuud ee Muqdisho
Next articleJabuuti oo Ciidamo hor leh usoo dirtay Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here