Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Sagaalad ee xildhibaannada dhallinyarada Adduunka oo lagu soo gabagabeeyay dalka Vietnam
Shirkaa ayaa diiradda lagu saaraya doorka dhallinyarada ee xaqiijinta u jeedooyinka horumarka waaro iyadoo la adeegsanayo Tiknoolajiyada casriga ah,waxaana xildhibaanada ay kusoo bandhigeen horumarada ay gaareen dhallinyarada iyo Arrimaha dowlad dhisida Soomaaliya.
Xildhibaan C/risaaq Aadan Warsame, (Xusul) oo kamid ahaa xildhibaannadii khudbadda ka jeediyay madasha ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta horumarka waara ee dhallinyarada.
“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an xaqiijinta horumarka waara ee dhallinyarada, waxaana ay ansixisay dhowr sharci oo muhiim u ah si loo gaaro horumar waara”.sida ayuu yiri Xildhibaan Xusul.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in la gaaro himilooyinka horumarineed ee waara, iyadoo la eegayo dhibaatooyinka ay reebeen abaaraha, Faafida cudurka Karoona, isbeddelka cimilada, iyo argagixisada oo khatarta ku ah nolosha.
XIGASHO WARBAHINTA DOWLADA

