Xiriirka ciyaaraha iyo wasaarada sportiga Hirshabelle ayaa warqad dacwa ah waxay ka gudbiyeen Kooxda Galmudug mataleysay ee shalay bar baraha la gashay dhigooda hirahabelle.

Wasiirka ciyaaraha Hirshabelle ayaa cadeeyay in dacwadooda ay salka ku heyso jabin xeerarkii lagu dhaqaayay ciyaaraha maamul goboleedyada.

Advertisement

Masuulkaan wuxuu sheegay in Ciyaar yahan shalay u ciyaarayay Galmudug oo lagu magacaabo Maxamed Saciid Cabdi uu ka soo ciyaaray horyaalka Dalka Sweden heerkiisa sedexaad taasoo jabineysa mid ka mida xeerarkii ahaa inaanu xiyaari karin ciyaar yahan caalamka ka soo ciyaaray heerarkooda 1aad ama 2aad ama 3aad.

“Sida nidaamku ahaa waa in dacwada lagu gudbiyaa mudo 16 saac gudahood waana ku gudbinay, waxaan rajeyneynaa inaan jawaab ka helno xiriirka ciyaaraha iyo wasaarada sportiga Dowlada Somalia”ayuu yiri masuulkaasi u hadlay Hirshabelle.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDAAWO: Ra’iisul-wasaare Xamze oo sheegay in bisha Janaayo la qaadayo dhagxaanta Muqdisho
Next articleDAAWO: Xamze Cabdi Barre iyo Karbaashkiisa Wasiir Rooboow Abuu Mansuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here