May be an image of 1 person and scarf
Xisbiga WADDANI waxa uu cambaaraynaya xadhigga sharci darrada ah ee maalintii Isniintii oo taariikhdu ahayd 08-Jan-2024 magaalada Burco loogu gaystay Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Coldoon waxa xorriyaddiisa looga qaaday iyada oo aan dariiq sharci loo marin. Xadhiggiisu waa mid ka hor imanaya xorriyatul qawlka iyo shuruucda dalka oo Dastuurku ugu sareeyo kaas oo si weyn u dhawray xorriyadda iyo xuquuqda muwaadiniinta Somaliland.

Xukumadda Kulmiye waxaanu uga digayna tallaabooyinka ay ku cabudhinayso muwaadiniinta Somaliland ee aragtidooda sida salmiga ah uga dhiibanaya arrimaha siyaasadda ee masiirkooda taabanaya iyo xaaladaha wakhtigan taaggan, taas oo sharcigu u ogol yahay.

Advertisement
Waxaanu xukumadda ugu baaqayna in ay si shuruud la’aan ah oo dhakhso ah ku soo dayso Cabdimaalik Coldoon islamarkaana joojiso tallaabooyinka lagu xannibayo aragtida xorta ah ee muwaadiniinta Dastuurku u dammaanad qaaday.
𝗫𝗼𝗴𝗵𝗮𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗖𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗯𝗶𝗴𝗮 𝗪𝗔𝗗𝗗𝗔𝗡𝗜
𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗬𝗼𝗼𝗻𝗶𝘀 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗬𝗼𝗼𝗻𝗶𝘀.
Previous articleWararkii ugu danbeeyay duqeymaha Isra’iil ee Gaza
Next articleMaaamulka Somaliland oo xabsiga ka sii daayay Wariyayaal ka tirsan MMTV

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here