Waxay u badan tahay %99 in Dowlada Soomaaliya ay ka gudubtay iskana xalisay laba shirqool halis ah oo loo maleegay, aan ku bilowno qorshaha koowaad ee ahaa fashilinta guulaha dagaalka Dowladu kula jirto Alshabaab iyo lacago lagu bixiyay sidii saraakiisha furumaha hogaaminayay ay dagaalka u curyaamiyaan.

Qorshahaan oo ahaa kii ugu halista badnaa islamarkaana Dowladu ku weysay dhulal muhiim ahaa oo ay kala wareegtay Alshabaab  kadib dib u gurasho ay sameysay, tiiyoo ay dheer tahay saraakiil ciidan oo wali nolol iyo geeri midna lagu heyn.

Advertisement

Qorshahaan oo sida la rumeysan yahay ay ciyaareen siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada kuwaasoo diidan in Xasan Sheekh iyo Xamze Cabdi Barre horumar sameeyaan ayaa ugu danbeyn Dowlada Soomaaliya waxay ku sameysay ka hor tag, wayna ka talaabsatay.

Markaan leenahay way ka talaabsatay Dowladu, muhiimada ayaan ka soo qaadnay maxaa yeelay dhul Dowlada gacanteeda ka baxa kaliya maaheyn qorshaha shirqoolka ee wuu ka weynaa, shirqoolka qorshe koowaadkiisa oo ahaa inta aad aragteen  jabka soo gaaray ciidamada waxaa ka sii halis badna qorsha labaadka .

Haddaba qorshe labaadku wuxuu ahaa in guud ahaan halkaasi lagu joojiyo dagaalada kadib kala shaki la dhex dhigo saraakiisha,ciidamada Dowlada,kuwa Macawisleyda iyo Madaxda Dowlada dhamaan, taasina ay dhaliso in dagaalku istaago islamarkaana Dowladu ka niyad jabto qorshaheeda balse ma dhicin taas oo madaxda Dowladu waa is maareeyen kadib markii Madaxweynuhu ku adkeystay inuu furunta ciidamada bariiska kula cuno ilaa jug ka soo gaartay ay keentay inuu qaliin galo.

QORSHAHA LABAAD EE FASHILMAY MUXUU AHAA?

Qorshaha labaad oo ah iska hor keenka beelaha si loogu daciifiyo higsiga dowlada ayaa waxaa la rumeysan yahay kooxda  alshabaab ay ciyaartay si culeyska uu uga yaraado islamarkana uusan dagaalku ugu gudbin wajigiisa labaad ee koonfur galbeed iyo jubaland.

Qorshaha labaad isna wuu fashilmay markii Dowladu wado kasta u martay inaysan sii socon ,waxayna iska xirtay xarig walba oo laga furey walow qorshahaani isaga laftiiisu ka qatar yareyn kii hore.

Alshabaab qorsayaashooda si lagu ogaado aad bay u adagtahay  sida kuwa siyaasiyiinta oo kale maaha,maxaa yeelay sarakiisha iyo masuuliyiinta kooxdaan ma hadal badna sida kuwa siyaasiyiinta mucaaradka oo mararka qaar iyaga laftoodu iska shifaan.

Hadaba waxaa is weydiin mudan Dowlada Somalia ee ay hogaaminayaan Xasan Sheekh iyo Xamze Cabbdi Barre higsigoodu xiligaan intee garsiisan yahay madaama ay ka hortageen iskana fashiliyeen labadaas qorshe ee halista ahaa,jawaabta waxaan u daayay akhristayaasheena.

=WAXAA QOREY WARIYE SUUD-MAQAATE=

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleTaliyaha ATMIS oo booqday saldhiga Degmada Xawaadleey+SAWIRRO
Next articleHaweeneey Meeyd ahaan qabri loogeeyey si loogu Soo aaso ayaa Soo kacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here