Warar hoose oo aan ka helnay goobihii shalay duqeymaha iyo dagaaladu ka dhaceen ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaalmayaal ka tirsan Alshabaab ay ku go’doonsan yihiin deegaan ku dhaw Magaalada Mahadaay.

Ciidamo u badan kuwa Macawisleyda reer Mahaday ayaa la soo sheegayaa inay go’doomiyeen tiro ka mida dagaalamayaasha Al-shabaab kuwaasoo tan iyo shalay halkaasi isku difaacaya.

Advertisement

Deegaanka ay ku g’doonsan yihiin oo dhaca duleedka bari ee Magalada Mahaday ayay shalay isku fara saareen Ciidamada Macawisleyda deegankaasi xili markaas ka hor duqeyn culus ay u gaysteen diaarado dagaal.

Wararka aan heleyno waxay intaasi ku darayaan inay alshababku dilayaan qof kasta oo aan iyaga ahayn madaama  dagaalku sii xoogeysanayo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here