Wareysi gaaban oo uu la yeeshay beyjka  www.dayniiile.com mid ka mida Soomaalidii shalay galab u safartay Dalka Kenya gaar ahaan Nayroobi ayuu noogu sharaxay qatar iyo cabsi soo wajahday markii diyaaradu hawada kenya u dhawaatay.

Qofkaani saarnaa diyaarada oo hada ku sugan Nayroobi ayaa noo sheegay in cimilada hawada oo yara qasnaa darteed ay diyaaradii awoodi weysay inay daruuraha dhex-marto taasoo keentay qalqal soo wajahay baylootka.

Advertisement

“Diyaarada waxaan shalay galab 4-ttii PM ka raacnay garoonka diyaaradaha Adan Abdulle International Airport  ee Magaalada Muqdisho,wuxuu safarkeenu ahaa Nayroobi markii diyaaradu xoogaa hawada ku jirtay ayaan mar qura dareenay isbadal ku yimid daganaantii diyaaradu ku socotay waxayna bilowday diyaaradu gil gilasho taasoo cabsi badan nagu keentay”ayuu yiri Osman Deeq oo ah wiilka noo waramay kana mid ahaa rakaabka

Osman Deeq wuxuu intaas ku daray in ay maqleen markiiba in cimilada ay wax ka qaldan yihiin taasina ay ku keentay rakaabkii cabsi iyo qal qal.

“madaama dadka diyaarada saaran Soomaali u badnaayeen inta badan waxaan sawiranay in waqtigeenu intaan ku egyahay waxayna dadka qaar bilaabeen inay towxiidka afka saaraan kuraastana ku dhagaan, markii duuliyaha oo dadaalayay uu diyaaradii marna kor u qaadayay marna uu hoos u waday si xowli ah oo cabsi lahayd”ayuu yiri Mr Osman.

Inta aan ka war helnay Laba diyaaradood ayaa shalay ka baxay Xamar una socday Nayroobi waxayna ku kala tageen 3 saacadood iyo 2.30 halkii sida caadiga ahayd ay ahayd inay ku tagaan 1 saac iyo bar cilada jirtay darteed

Wasaarada Duulista Hawada Soomaaliya kama hadlin arintaan iyo qatarta soo wajahday dadka soomaalida ee shalay u safray Kenya inkastoo ugu danbeyn si nabad ah ay ku tageen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

MOGADISHU-SOMALIA

Previous articleDuqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Talyaaniga+SAWIRRO
Next articleHay’ada Qaramada Midoobey oo fasaxday dhoofinta dhuxusha Soomaaliya si kumeel gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here