“Waxaa dhahay inay daahaan ciidamadii ku daba jiray, khaladka dhacay wuxuu ahaa inaan laga fekerin arrintaas… wixii la sheego wax baa ka jira, khilaafka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha xoogga dalka, xilliyada dagaalka duruufo jira ayaa keeni kara in la isugu dhaco, taasoo u baahan xal ka yimaada Golaha wasiirada iyo Madaxtooyada,” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare oo wareysi siiyay VOA.

Wuxuu ka hadlay siyaasiyiin tashwiish ku furay ciidamada “Siyaasiyiin badan oo waxaa jira ku xiran saraakiisha, waxaan jira tuhmo weyn oo saraakiishaasi lagula xiriiray looguna sheegay inaysan dagaalamin, waxaa kaloo jira saraakiil aan gurman, kuwa ka baxay aagag lagu ogaa sabab la’aan,” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare.

Advertisement

Waxa uu si cad u sheegay in la ogaaday dhibaatadii jirtay sida siyaasiyiintii ciidamada la xiriiray iyo saraakiisha khaladaadka sameeyay, lagana warqabo.

Previous articleCiidamadii uu xalay sagootiyay Duqa Muqdisho oo caawa gaaray Deegaanka Nuur-Dugle
Next articleXOG ku saabsan qatar iyo cabsi soo wajahday Soomaalidii shalay galab u dhooftay Nayroobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here