Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta 60-aad ayaa waxaa isku soo dhiibay Cali Ibraahim Cabdi, oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, isaga oo u qaabilsanaa qeybta ay jabhadaha.

War kooban oo uu baahiyay Telfashinka ku hadla afka dowladda ayaa lagu sheegay in Cali oo ka tirsanaa Al-Shabaa uu qeyb ka qaatay dagaallo ka dhacay deegaano ka tirsan gobollada Baay, iyo Gedo oo ka kala tirsan Maamul Gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Advertisement

Cali Ibraahim Cabdi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidanka dowladda uu isku soo dhiibay, isaga oo ugu baaqay saaxiibadiis kale in ay isku soo dhiibaan, waa sida lagu yiri qoraal lagu daabacay Talfeshinka dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa ay cafis u fidisay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab, waxa uu sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay soo dhaweyn doonta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here