Ciidamada Isra’iil ayaa duqeymo culus waxay ka gaysteen xaafado ka mida Magaalada Rafax oo mudo looga digaayay inay duqeeyaan,waxaana la soo sheegayaa in dad shacaba la laayay.

Duqeymaha ay ka fuliyeen Magaalada Rafah ee koonfurta Marinka Gaza waxaa ku geeriyooday shalay 12 ruux oo hal qoys ahaa islamarkaana caruur u badnaa.

Advertisement

Sidoo kale ciidanka badda Israil ayaa dooni ka soo riday rasaas iyagoo la beegsaday shacab reer Falastiin ah oo ku sugnaa xeebta Rafax.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helay Falastiin ayaa sheegaya in dhimashada reer Gaza ay gaartay 29,313, halka dhaawacuna yahay 69,333.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDayax Gacmeed laga cabsi qabo inuu dhulka ku soo dhaco
Next articleBooliis Kenyan ah oo loo xirey Itoobiyaan ay sharci daro ku soo geliyeen dalkooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here