Wakaaladda hawada sare ee Yurub (Esa) ayaa laga soo xigtay inuu dhawaan dhulka ku soo wajahan yahay dayax-gacmeed waqtigiisii isticmaalka uu dhamaaday.

Dayax gacmeedkaan ERS-2 oo culeyskiisa lagu sheegay 2 tan ayaa shaqadiisa gabay 2011,wararka ku saabsan soo dhicidiisa ayaa tilmaamaya in wixii markaas ka danbeeyay uu si tartiib tartiib inuu  hoos ugu soo dhacaayay dhulka hoos.

Advertisement

ERS-2 oo ka sameysan qalab casri ah ayaa shaqadiisa la bilaabay  1995 balse ugu danbeyn maanta ayaa la filayaa inuu burburkiisa dhulka soo gaaro.

Quburada ku xeel dheer dayac-gacmeedka waxay sheegayaan intiisa badan inuu hawada ku bur buri doono islamarkaana ay aad u yartahay cabsida ah inuu burburka ka soo hara uu dhulka dhibaato ka gaysto.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dayax gacmeed

Previous articleTaliyaha Ciidamada Badda Somalia oo dhigiisa India kala hadlay iskaashiga dhanka Amniga+SAWIRRO
Next articleYuhuda oo dad shacaba ku leysay Rafax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here