NEW DELHI (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Eng Cabdi Warsame Ismaan ayaa gaaray dalka Inida halkaasoo lagu casuumay inuu shir kaga qeybgalo.

Admiral Eng Cabdi Warsame Ismaan wuxuu maanta ka qeybgalay Shirweeynaha Milano 2024 kaasi oo ay ka qeybgaleen in ka badan 50 Doowladood.

Advertisement
Admiral Cabdi Warsame Ismaan ayaa la kulmay dhigiisa dalka Hindiya oo ay kawada hadleen iskaashiga Ciidamadda Badda Soomaaliya iyo Hindiya wada shaqeeyntooda.
Taliyaha arinta uu kala hadlay dhigiisa India ee iskaashiga dhanka amniga ayaa ku soo aadeysa xili maanta Baarlamaanka iyo wasiirada Soomaaliyeed ay ansixiyeen heshiis dhanka amniga oo dhex maray Dowlada Turkey iyo Somalia.

Heshiiskaan ayaa dhigaya in guud ahaan badda Somalia ay difacayso Dowlada Turkiga mudo 10 sano ah, mudadaasna ay ku diyaarineyso ciidamo badeed xoog leh oo Somalia ay kaga maaranto kuwa shisheeye si ay xeebahooda u ilaashtaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 4 people and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 4 people and text
Previous articleHowlgal Maanta laga fuliyay deegaano hoos taga Gobolka Bay+SAWIRRO
Next articleDayax Gacmeed laga cabsi qabo inuu dhulka ku soo dhaco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here