Gaza (dayniiile.com)-Wararka aan ka heleyno dagaalada ka socda Gaza kaasoo u dhexeeya ciidamada Gumeysiga Yuhuuda iyo dagaalyahanada Xamaas ayaa sheegay in cashir loo dhigay ciidamada yuhuuda howlgal qaas ah oo ay rabeen inay maxaabiis laga heysto xoog kaga soo furtaan Xamaas.

Dagaalyahanada Xamaas ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day ciidamada Israa’iil ay ku doonayeen inay Maxaabiis ku furtaan,waxayna sheegeen inay dileen askari ay qabteen.

Advertisement

Afhayeenka ciidamada Milatariga Yuhuuda Daniel Hagari ayaa saxaafada u xaqiijiyay howlgalkaasi ka fashilmay inkastoo uusan qiran askariga laga dilay,kaliya wuxuu qirtay laba askari oo dhaawacyo halisa qaba inay kala soo laabteen howlgalka ka fashilmay.

laba askari ayaa si xun u dhaawacmeen iyaga oo isku dayaya in ay badbaadiyaan maxaabiista Gaza nalooga heystay, Ma jiro wax la haystayaal ah oo lagu soo badbaadiyay hawlgalkan”ayuu yiri Daniel Hagari oo ah Afhayeenka ciidamada Milatariga Yuhuuda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Blinken wuxuu ku booriyay Israa'iil inay wax badan ka qabato ilaalinta  rayidka Gaza - Somali


Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo gaaray Magaalada Hobyo+SAWIRRO
Next articleMareykanka oo mar kale diiday Xabad Joojinta Dagaalka Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here