Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay isu soo bax ay soo abaabuleen bulshada Soomaaliyeed kaasoo lagu taageeraayay walaala reer Falastiin.

Isu soo baxaan waxaa ka qeybgaay qeybaha Bulshada oo ay horkacayeen qaar ka mid ah  Culumaa’udiinka Soomqaliyeed waxayna muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin walaalaheen reer Falastiin islamarkaana looga soo horjeedo xasuqa ay wado Israa’iil.

Advertisement

Sheekh Cabdi-Xayi iyo Sh.Soomow ayaa ka hadleen dibada baxa iyagoo xusay sida looga baahan yahay in dadka Islaamka ah ay is cawiyaan garabna isa siiyaan madaama ay hal dhinac yihiin.

“aaway kuwii lahaa xuquuq caruur baan ilaalinaa ,aaway kuwii lahaa xuquuqda haweenka xagey aaden,waxaan leenahay Qaramada Midoobe hadaadnaan wax ka qaban karin tacadiga lagu hayo Caruurta iyo haweenka Falastiin isaga taga meesha”ayuu yiri Sheekh Soomoow.

” Golaha ammaanka QM waxaan leenahay xaquuqul insaankii aad sheegi jirteen waxaa uu ku soo dhammaaday in haweenka iyo caruurta lagu laayo Isbitaalada falastiin”ayuu mar kale yiri Sh Soomoow

Sidoo kale Sheekh Cabdi-Xayi ayaa isna hadalo uu jeediyay wuxuu ku sheegay in dunida cid kasta baraha bulshada uga hadleyso hadba dhankuu taageersan yahay anagana waxaan cadeyneynaa inaan walaalaheen reer Falastiin taageersanahay.

“kuwa Yuhuuda la jira waxay fikirkooda ku sheegaan in Xamaas dulmineyso yuhuuda iyagoo og cida wax dileysa ,wax baabi’ineysa.

” madaama muslim aan nahay waxaan leenahay Yuhuudaa shacabka Falastiin xasuuqday ,godoomisay ,guryihii ka urburisay”ayuu yiri Sheekh Cabdi-Xayi

Mar uu Shiikhu u duceynaayay reer Falastiin ayuu sheegay in hubka ay gaaladu isticmaalayaan ay Ducadu ka qatarsan tahay madaama ducada ay Alle ku socoto.

Wuxuuna ka codsaday dadweynaha inay aamiinta ku kaalmeeyaan si uu ugu duceeyo reer Falastiin ducadii uu Sayidinaa Cumar ku furey Masjidka Alaqsa.

XAFIISKA WARARKA
DAYYNIILE.COM

May be an image of 1 person and crowdNo photo description available.May be an image of one or more people and crowd

Previous articleFarmaajo oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan awood u lahayn inuu meesha ka saaro hab doorasheedkii Baarlamaanka iyo Xafiiska Ra’iisulwasaaraha
Next articleShidaal iyo Raashin loo waday Alshabaab oo gacanta lagu dhigay+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here