Madaxweynihii hore Maxamd C/laahi Farmaajo ayaa mudo uusan ka hadlin siyaasada dalka Kadib soo hadlay wuxuuna soo saaray warsaxaafadeed dhaliil iyo digniin isigu jira .

Dowlada uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ee Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyay inay wax ka badashay dastuurkii iyo hanaankii Dowladnimada iyagoon wax wada tashi sameyn.

Advertisement

‘Farmaajo wuxuu Baarlamaanka uga digay inay meel maryan heshiis dhawaan ay gaareen Madasha Wada-tashiga Qaran kaasoo u gogol xaaraya in laga hirgaliyo  Soomaaliya hanaan doorasho oo qof iyo cod ah iyo hab dhiska hay’adaha dowlada Soomaaliya iyadoo laga guuraayo  baarlamaanka, sidoo kale la baabi’inaayo Xafiiska Ra’iisulwasaare islamarkaana la sameyn doono Madaxweyne Xigeen.

“Sidoo kale heshiiska oo mudo kordhin u sameeyay madaxda maamul Goboleedyada ayaa dhigaya in somalia yeelan doono lab xisbi qaran”ayuu ku yiri armaajo warsaxaafadeed uu soo saaray.

“wax ka badalka hab-dhiska Dowlada iyo dastuurka waxay keeni karaa in dalku dib ugu laabto xasilooni daro iyo hubanti la’aan siyaasadeed,Hadii aan loo marin  wadada saxda ah sidaas daraadeed hadii laga guuraayo Baarlamaanka lana burburninaayo Xafiiska ra’iisulwasaaaha waa arin ka baxsan awooda dowlada madaama ay taabaneyso masiirkii dalka”ayuu mar kale  yiri Maxamed C/laahi Farmaajo.

Farmaajo oo xiligii Dowladiisii sheegi jiray inuu dalka gaarsiinayo doorasho qof iyo cod isagoon wax masiir umadeedna aan soo hadal qaadin ah lama oga sababta uu hada uga hor imaanayo qorshaha Dowlada Xasan.

 

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleIsu soo bax Beri Subax ka dhacaya Muqdisho oo lagu taageerayo Falastiin
Next articleBanaanbax lagu taageersan yahay Xamaas oo maanta ka dhacay Muqdisho+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here