Baydhaba (dayniiile.com)- Waxaa Maanta Magaalada Baydhaba ka furmay shir loogu magac daray shirka  farta Maayga kaasoo ay ka soo qeybgaleen madax ka kala socday faderaalka iyo Maamulka Koonfur galbeed.
shirkaan waxaa daah furey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Shekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen .
Sidoo kale waxaa munaasabada goob-joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan  Federaalka, Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed, Aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan Bulshada kuwaasoo lagu casuumay shirka Farta Maayga.
Madaxweyne Laftagareen ayaa munaasabada ka sheegay inuu hore u balan qaaday intuu madaxweynaha yahay uu ku guuleyan doono qorista Farta maayga islamarkaana uu ka dhabeyn doono balantaas.
“Waxaan balan qaadayaa inta aan madaxweynaha ahay in farta Maayga la qori doono” ayuu yiri Laftagareen.
Wuxuu xusay inay socoto dadaalada lagu doonayo in farta maayga qoristeeda lagu guuleysto.
“aqoonyahano badan ayaa isugu yimid sidii ay u hirgelin lahaayeen qorista Farta Maayga oo hada aan u fadhino daah furkeeda”ayuu yiri laftagreen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and newsroomMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, people studying, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people and dais
Previous articleMowqifkooda Maamulka Puntland ee wax ka badalka Dastuurka Somalia
Next articleGudoomiyaha Aqalka Sare oo Maanta qaabilay safiirka cusub ee midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here