Muqdisho, 25, Abriil 2024:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa faray Hey’adaha Dowladda in aan lagu qaban karin meel ka baxsan dalka shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee hey’adaha dowladda.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda goballada dalka, waxa ay dhageysteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta, waxana ay tilmaamtay in dalka ay ka di’i karaan roobab daad iyo fatahaado wata, kuwaas oo sameyn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunyada.

Advertisement

Golaha ayaa sidoo kale, ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee deggan jiinka Wabiyada, meelaha godan, dooxooyinka iyo goob kasta oo ka dhalan karaan fatahaad in ay ka fogaadaan.

Shirka Golaha ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, warbixinno ku saabsan howlgalladii ugu danbeeyey iyo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ah.

—-DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale

Previous articleTaliyaha Milatariga Somalia oo Nairobi kula kulmay Danjire Jabriil Cabdulle +SAWIRRO
Next articleDowlada Somalia oo Dalka Canada kaga qeybgashay shir ay leeyihiin 170 Dal+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here