MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Aabe Soomaaliyeed oo 70 jir ah ayaa xalay wiilkiisa wuxuu ku dilay Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Sida la sheegay wiilka oo daroogada isticmaala ayay aabihiis is khilaafeen taasoo keentay inuu Tooreey la soo baxo si uu aabihiis ugu weeraro.

Advertisement

Aabaha oo heystay qorey AK 47 ah ayaa markiiba wiilkiisa rasaas ooda uga qaaday taasoo keentay inuu h7alkaasi ku geeriyoodo .

Wiilka oo 20 jir ahaa ayaa meydkiisa waxaa la wareegay hay’ada danbi baarista CID-da halka aabihii dilka gaystay uu isna baxaaday.

Sanadkaan siduu u dhashayba waxaa soo batay falalkq nuucaan oo kale ah oo ay is dilayaan dadka isku ehelka ah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMaxay Dowladu uga aamustay Jabka ciidamada dowlada ka soo gaaray Koonfurta Mudug.
Next articleLafta-gareen muxuu kala hadlay Saraakiisha Ciidamada+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here