Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Gudoomiyey shirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa Warbixino kala duwan ka dhagaystay Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha kala duwan Hay’addaha Amniga Koonfur Galbeed

Shirka oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Amniga Mudane Hassan Abduqaadir Mohamed iyo Saraakiisha kala duwan ee Hay’addaha Amniga Koonfur Galbeed ayaa lagaga hadlay Kordhinta Howlgalada lagu Bacsanayo Alshabaab Maadama la galay Bisha Barakaysan ee Ramadaan Cadowgana ay isku Dayayaan İnay dhibaateyaan Shacabka Soomaaliyeed, sido kale shirka waxaa lagaga hadlay Xoojinta Wadaagida Xogaha ku saabsan ka hortaga dhagarta Khawaarijta ay u maleegayaan Shacabka.

Advertisement

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada uga mahadceliyey Dadaalkooda Naf hurnimada Leh ee ay ugu jiraan Bad-baadinta Nafta iyo Maalka Shacabka Soomaaliyeed.

XIGASHO WARBAAHINTA Maamulka K/galbeed.

Previous articleAabe wiilkiisa ku dilay Muqdisho
Next articleMaamulka Jubaland oo qabtay Nin hore gaari ula goostay dhanka Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here