NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 11 arday oo ka mid ah ardayda jaamacadda Kenyatta ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay wadada isku xirta Nairobi iyo Mombasa.

Shilka wuxuu ka dhashay markii ay isku dhaceen Bas ay  ardeydu saarnaayeen iyo gaari kale xili roobab waa weyn ay da’ayeen.

Advertisement

Taliyaha Booliska ee deegaanka Voi Ibraahim Daffala oo ah goobta wax ka dhaceen ayaa sheegay in 10 arday ay isla goobta ku dhinteen halka mid kalena uu Isbitaalka ku geeriyooday.

Sidoo kale Taliye Ibraahin wuxuu sheegay In 42 arday ay soo gaareen dhaawacyo halis ah halka 4 kalana ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Shilkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay Maungu, Voi, oo ka tirsan kowntiga Taita Taveta, gaar ahaan wadada isku xirta Mombasa iyo Nairobi.

Baska Iskuulka ayaa waxaa la socday arday caafimaadka bulshada wax ka barata oo safar aqooneed u socday Mombasa, Gaariga xamuulka ah ayaa ku wajahnaa Nairobi xilliga uu shilku dhacay.

Baska iskuulka ayaa waxaa saarnaa 58 rakaab ah. Ilaa afar arday ayaa ka badbaaday dhaawac. Waxaa la geeyey Saldhigga Bilayska ee Maungu iyagoo sugaya hawlo kale.

SOURCE THE STAR KENYA

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Previous articleXildhibaano badan oo caawa ka hor yimid qorshaha Dastuurka lagu ansixinayo
Next articleHowlgal ka dhacay duleedka Afgooye oo lagu dilay tobanaan Alshabaab ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here