WARSAXAAFADEED

Muqdisho, 19 March, 2024: In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka kaasi oo ka dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Advertisement

Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay deegaannadaan kuwaasi oo waday abaabul ay ku dhakrayaan shacabka Soomaaliyeed.

Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale dhagar qabayaal kale oo ku dhaawacmay hawlgalladan ayay Khawaarijtu geeyeen deegaannada Farsoolay iyo Buulo Fulay.

Dhanka kale Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu danbeeyay Khawaarijta ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose oo si dhuumaalaysi ah Khawaarijtu isku dayayeen inay u soo galaan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan Ciidanka Qalabka Sida.

-Dhammaad-

XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA 

Previous articleShil gaari ay ku dhinteen 11 Ardey oo ka dhacay wadada isku xirta Nairobi iyo Mombasa.
Next articleDowlada oo lacag kiro ah ku amartay shacabka degan Xaafada xero Kaluun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here