No description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Waxaa Caawa Muqdisho shir ku yeeshay 71 xildhibaan oo isugu jira aqalka sare iyo golaha shacabka kuwaasoo si cad uga hor yimid qorshaha Dowlada ee wax ka badalka Dastuurka.

Advertisement

Xildhibaanadaan oo war saxaafadeed ka soo saareen shirkooda ayaa dhamaantood waxay k siman yihiin fikirka ah inaan Dastuur la meel marineyn ee mid cusub uu yahay waxa hada socda.

Xildhibaanadaan waxay sidoo kale sheegeen in talaabadaani tahay mid dalka lagu sii kala fogeynayo.

71-ka xildhibaan warka ay Caawa wada jirka u soo saareen waxaa saxaafada u aqriyay Xil.Yuusuf xuseen Axmed (Gamaadiid).

No description available.

“anagoo ah xildhibaanada labadiisa Gole waxaana walaac ka qabnaa habka loo badalayo dastuurkii iyo qaab dhismeedkii Dowladeed ee heshiiska lagu ahaa taasoo dhaawaceysa midnimada iyo xasiloonida siyaasadeed ee qarankeena”ayuu  yiri Xildhibaan Gamaadiid

Xildhibaanka isagoo sii aqrinaya warsaxaafadeedkooda wuxuu intaasi ku daray inay cadeyn u hayaan in waxa socda yihiin dastuur cusub.

“waxaa laga badalay  45 qodob oo dastuurka ka mid ahaa iyo 97 farqadood, waxaana  lagu soo kordhiyay 19 qodob iyo 94 farqadood oo aan ku jirin asalkii dastuurka, sidaas daradeed waxaan halkaan ka cadeyneynaa in Gudoonka Baarlamaanku ku guuldareystay ilaalinta kala madax banaanida  Hay’adaha dowlada gaar ahaan madax banaanida Baarlamaanka oo ah Hay’ada ugu sareysa Dowladanimada Soomaaliya”ayuu yiri Xildhinaan Gamaadiid

Sidoo kale wuxuu sheegay in go’aankii Golaha wada-tashiga Qaran ee May 2023  uusan ahayn mid loo dhan yahay madaama ay Puntland ka maqnayd shirkaasi islamarkaana qaabka golaha wada-tashiga ay go’aanada u qaatana ay tahay wada ogol.

Warsaxaafadeedka oo dheeraa kadibw waxaa la hadlay saxaafada dhowr xildhibaan kuwaasoo ku celcelinaayay ineysan aqbaleyn wax kasta oo ka soo baxa baarlamaanka.

Xildhibaan Dhabancad oo ka mida mudanayasha caawa shirka qabsaday ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka codsanayaan in laga laabto qaabkaan la doonayo in Dastuurka wax looga badalo laguna ansixiyo  isagoo ka digay in cawaaqib xun ay ka dhalan karto.

“madaxweyne Dalka wax badan baad u soo qabatay hada ha isaga ciyaarin wax qabadkaadii waana kugu taagersaneyn lakiin midaaan waan ka diidnay”ayuu yiri Xildhibaan Dhabancad

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.

Previous articleHay’ada QM oo ka hadashay xariga Yuhuudu kula kacday wariyaha Aljazeera
Next articleShil gaari ay ku dhinteen 11 Ardey oo ka dhacay wadada isku xirta Nairobi iyo Mombasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here