Bardaale (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Magaalada Bardaale ee Gobolka Bay ayaa sheeegaya in xalay iyo saaka madafiic ay isku dhaafsadeen ciidamada Itoobiya ee magaca Atmis ku jooga Soomaaliya iyo Kooxda Alshbaaab.

Wararka ayaa tilmaamaya in Alshabaab xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhiga ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Bardaale ee Maamulka koonfur galbeed.

Advertisement

Ciidamada Itoobiya ayaa Saaka  kaga jawaabay madaafiic ay kh garaaceen duleedka Bardaale deegaano ay ku tuhmayaan Alshabaab inay kaga soo qaadeen weerarka.

Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo la soo wariyay balse dadka shacabka ayaa ka argagaxay dhawaqa madaafiicda ciidamada Itoobiya ay kaga jawaabeen weerarka Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleSSC Qaatumo oo laga reebay Ciyaaraha Maamul Goboleedyada
Next articleMasuul ka tirsan Maamulka G/Hiiraan oo ka hadlay dhibaatada ka taagan Magaalada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here