Madaxweynaha Dowaladda Jubaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daah furay shirka 2-aad ee golaha maamulka iyo horumarinta Kalluumaysiga oo maanta lagu qabtay Aqalka martida ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay ka faa’iidaysiga khayraadka kala duwan ee baddeenu ay hodanka ku tahay iyadoo hormarinta iyo maalgashiga khayraadkaas kala duwan ay wax weyn ka tarayaan hormarka dhinacyada badan ee dalkeenna.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in loo baahan yahay siyaasad bulsho oo lagu kobcinayo awoodaha kalluumaysiga maxaliga ah ee shaqo abuurka u ah dadweynaha ku nool deegaanada xeebaha ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirada Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee heer federaal, heer Dowladaha xubnaha ka ah JFS iyo gobolka Banaadir.
May be an image of 1 person, dais and text that says "JUBALAND 20"May be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 7 people, lighting, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 6 people, beard and suitMay be an image of 8 people, suit and text that says "SH FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA MINISTRY OF FISHERIES AND BLUE ECONOMY KA AAD Gr T AHA MAA IULK IYO SMA JU BR 24"May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of ‎3 people, dais and ‎text that says "‎C ال_ X.J.F.S FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA MINISTRY OF FISHFRIES AND BLUE ECONOMY E SHIRKA 2AA HORU The Second meeting MAAMULKA I UUMEYSIGA d Development Council F ۵هه KISI RUARY, 2024‎"‎‎
Previous articleBooliiska Kenya oo baaraya dil loo geystay haweeney 78 jir ahayd
Next articleMaamulka Somaliland oo u soo jawaabay Hay’ada duulista Rayidka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here