Balcad (dayniiile.com)-Ciidamada Boliiska iyo kuwa Nabad sugida Soomaaliya ayaa Magaalada Balcad ku qabtay gaari lagu soo dhex qariyay Xashiishka oo ka mida waxyaabaha maanka dooriya kuwa ugu xun.

Ciidamada ayaa qabtay xashiishka xalay saq dhexe xili lagu soo dhex qariyay gaari Leya Calaawi ah oo siday qudaar ay ka mid yihiin Yaanyo,Canbe iyo Dhangalow.

Advertisement

Taliyaha Sadhiga Booliiska Balcad iyo Gudoomiye xigeenada Degmada Balcad ee dhanka Siyaasada iyo Amniga ayaa warbaahinta u sharaxay gaarigaan ay qabteen Ciidamada Amniga ee Degmada Balcad Gobolka Sh.dhexe.

Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Balcad Xuseen Macalin Cabdulle ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay marka hore Alle SWT uga mahadcelinayaan sida uu ugu sahlay Ciidamada inay qabtaan gaari Leyla Calaawi ah oo siday Qudaar kaasoo lagu soo dhex qariyay waxyaabaha maanka dooriya sida Xashiishka.

Sadex nin oo watay gaarigaan ayaa loo qabtay masuuliyada sida uu Taliyuhu sheegay kuwaasoo ciidamadu hada gacanta ku hayaan.

“sadexdaas nin ee la qabtay waxay halis geliyeen bulshada hadeyba qudaartii la cunaayay ay daroogo ku dhex qarinayaan”ayuu yiri Taliyaha.

Sidoo kale Gudoomiye xigeenka dhanka Siyaasada Maamulka Degmada Balcad Ismaaciil Barre Nuur ayaa xusay  mahadcelin kadib in baabuurta nuucaana ee maandooriyaha lagu soo qariyo ujeedku yahay sidii Xamar loogu gudbiyo looguna qaribo bulshada.

“cidiamada waxaan leenmahay sii wada dadaalkiina si aysan  Magaalada Balcad u noqon meesha maandooriyaha looga gudbiyo caasimada Dalka.”ayuu yiri Gudoomiye xigeenka

Dhanka kale  Gudoomiye xigeenka Aamniga ahna ku simaha Gudoomiyaha Maamulka Balcad C/Raxmaan Sheekh Xuseen wuxuu isna mahadcelin Alle kadib faray ciidamada inay habeenkii saqda dhxe aad u baaraan baabuurta nuuc kasta uu yahay.

“baabuurta saqda dhexe socda waa kuwa qaraxyada iyo maandooriyaha lagu soo qariyo, waa inaad dhulka dhigtaan wax kasta ay sidaan si fiican aad u baartaan ”ayuu yiri ku simaha Gudoomiyaha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleWasiirka Doodishe iyo Taliye Sulub oo Muqdisho ku qaabileen Safiirka Dalka Qadar+Sawirro
Next articleRa’iisul Wasaare Xamsa oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka KMG SSC.+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here